sntv.gov.so

Doorka Haweenka iyo Bilaawga Cusub

Wasiirka arrimaha dibada oo xilka loo dhaariyay
R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa maanta loo dhaariyay xilka wasaaradda iyadoo isla maantana si buuxda ula wareegtay shaqada wasaaradda arrimaha dibadda.

Fadhigii 5-aad kalafadhigii koobaad ee gaarka ahaa ee ay isugu yimaadeen Barlamaanka Soomaaliya maanta ayaa lagu dhaariyay Ra’iisul wasaare ku xiggeen ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aadan, waxaana fadhigaasi gaarka shir guddoominayey Guddoomiye ku xiggeenka Labaad ee Barlamaanka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sarre ee dalka Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf ayaa u dhaariyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya xilkeeda si ay ula wareegto.

Dhaarinta wasiirka arrimaha dibadda kadib ayaa munaasabad heer sarre ah lagu qabtay xarunta wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ee Muqdisho, taasi oo ay xilalka kula kala wareegayeen wasiirka arrimaha dibada cusub iyo wasiirkii hore Mudane C/llaahi Xaaji Xasan.

Munaasabadda markii ay furantay ayey sida caadadu aheyd kala saxiixdeen wasiirka cusub iyo wasiirkii hore dukumiintiga cadeynaya xil wareejinta, wasiirkii hore ayaa hadal ka jeediyay munaasabadda waxa uuna tilmaamay  in ay farxad weyn u tahay in uu xarunta wasaaradda arrimaha dibada ku soo dhaweeyo wasiirka cusub.

Sidoo kale Ra’isul wasaare ku xiggeen ahna wasiirka arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo iyaduna ka hadashay munaasibaddii ay xilka kula wareegeysay ayaa uga mahadcelisay wasiirkii hore dadaalkii ballaarnaa ee uu muujiyay intii  uu xilka hayay, waxeyna Shaqaalaha wasaaradda ugu hambalyeysay waqtigii adkaa ee ay ku soo shaqeeyeen.

Dhinaca kale intii ay munaasibadda socotay ayey uga mahadcelisay madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha fursada ay u siiyeey in ay ka howlgasho wasaaradda ay  muddo dheer ka shaqeeneysay, iyadoo intaa raacisay in dalalka adduunka ay diyaar u yihiin in Soomaaliya gacan la siiyo.

Mudanayaasha Baarlamanka oo maanta mar kale kulmaya kana doodaya cutubyo ka tirsan xeer hoosaadka
Mudanayaasha Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale kulan ku yeelanaya xaruntooda gobolaha Shacabka ee Muqdisho.

Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xogheynnada Baarlamanka ayaa Radio Muqdisho u sheegay in mudanayaasha Baarlamanka ay maanlintii Labaad kulan ku yeelanayaan Muqdisho, iyagoo ka doodaya qodobo ka mid ah xeer hoosaadka Baarlamanka.

‘’kulankii Baarlamanka ee shalay waxaa looga dooday cutubyo ka mid ah xeer hoosaadka, maantana waxaa laga doodayaa cutubyada 4-aad, 5-aad iyo 6-aad oo ka him ah xeer hoosaadka, kuwaas oo ka hadlaya xuquuqda mudanayaasha, waxyaabaha uu xildhibaanku xilka ku weyn karo, labiska iyo qodobo kale oo muhiim ah’’ayuu yiri xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xogheynnada Baarlamanka.

Kulanka Baarlamanka ee maanta ayaa qeyb ka ah kulamada kalfadhiga koowaad ee Baarlamanka waxaana la filayaa in kulanka maanta ay si saraaxad leh uga doodaan cutubyo ka mid ah xeer hoosaadka, wallow ay hore xildhibaannadu u laaleen cutubyo ka tirsanaa xeer hoosaadka.

Danjire Ameriko”Caalamku wa in uu tixgeliya go’aanka ay dowladdu ku mamnuucday Jarista Dhirta iyo dhoofinta Dhuxusha”
Dowladda Somalia ayaa ka codsatay beesha caalamka in ay tixgeliso go’aanka ay ku mamnuucday jarista dhirta iyo dhoofinta dhuxusha.

Danjire Maxamed Cali Ameerico ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo saartay go’aan ay ku mamnuuceyso jarista dhirta iyo dhoofinta dhuxusha, iyadoo Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurubna ay ku ayideen dowladda go’aankaasi, sida uu sheegay Danjire Ameerico, wuxuuna ugu baaqay waddamada caalamka in ay ixtiraamaan go’aanka dowladda.

Sidoo kale Danjire Maxamed Cali Ameerico oo la hadlay Radio Muqdisho isagoo ku sugan magaalada Nairobi ayuu hoosta ka xariiqay in lagama maarmaan ay tahay in caalamku tixgeliyo go’aanka dowladda Soomaaliya , isagoo dhinaca kalena xusay in dowladdu guddi u saartay wax ka qabashada jarista dhirta iyo dhoofinta dhuxusha, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay jiraan doomo yaryar oo wali si dhuumaaleysi leh ku dhoofiya dhuxusha.

Hadalka Danjire Ameerico ayaa muujinaya sida dowladda Somaliya ay uga go’antahay meel marinta go’aanka ay ku mamnuucday jarista dhirta iyo dhoofinta dhuxusha.

Xildhibaan Shariif Maxamed oo sheegay in dowladda cusub lagu soo dhisay caddaallad
Guddoomiyaha Xisbiga SNU ahna Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid oo dalka dibaddiisa kusugan ayaa soo dhaweeyay habka uu ra’iisal wasaare Saacid u soo dhisay Xukuumadda .

Xildhibaan Shariif ayaa sheegay in ra’iisal wasaare Saacid uu ku saleeyay hab awood qeybsi ah shanbeelood isla markaasina ay tahay markii ugu horeysay oo cadaalad ay sameyso xukuumad Soomaaliyeed isaga oo xusay in markii hore beesha shanaad la siin jiray hal wasiir marka ay beelaha kale helaan 2wasiir.

Sidoo kale in haweeney laga dhigo wasiir arimo dibadeed iyo ra’iisal wasaare kuxigeen waxa uu sheegay in ay tahay arintaasi mid muujineysa horumar dhinaca dimuqraadiyadda laga sameeyay ayna cadaatay maanta Soomaaliya in uu kajiro isbadal aad u muuqda.

Xukuumaddani cusub ayuu sidoo kale sheegay in isbadal weyn ay dalka ka sameyn doonto sida iyaga u muuqato isla markaasina la dareemi doono isla xilliga ay hawlgasho maadaama ay yihiin wasiirada 10-ka ah dad aqoon yahanno ah.

Dhinaca kale baarlamaanka Soomaaliyeed ayuu ka codsaday xildhibaannada kujira in ay arintani meel mariyaan oo wasiirada cusub ay si deg deg ah ku ansixiyaan inkastoo uu xusay in Soomaalida lagu yaqaan mucaarad hayeeshee waxa uu ugu baaqay xildhibaanada Baarlamaanka in Xukuumaddani cusub si ay hawlaheeda deg deg ugu gudato deg deg loo ansixiyaa.

Ugu dambeyntii Xildhibaan Shariif Maxamed Sayid ayaa u rajeeyay wasiirada cusub in ay hawshooda kasoo baxaan sidoo kalena u rajeeyay mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in sidani oo kale mar waliba ay isaga ilaaliyaan xuquuqda beelaha Soomaaliyeed maadaama sida hadda wax loo qeybiyay uu yahay habkii saxda ahaa oo aanu jirin cid cidkale laga darajo sareysiiyay

DEG DEG:-Ra’isulwasaaraha Dalka Oo Ku Dhawaaqay Golihiisa Wasiirrada…. AKHRISO
Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ku dhawaaqay goor dhow golihiisa Wasiirrada ayadoo Munaasabadda ku dhawaaqidda Wasiirrada lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxda Sare ee Dalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari,Wasiirrada cusub ee la magacaabay qaarkood iyo marti sharaf kale.

Wasiirrada uu magacaabay Ra’isulwasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa ka kooban Toban Wasiir oo qaarkood horey xilal Wasiirro ay ugasoo qabteen Xukuumadihii KMGka ahaa waxaana ay magacyadooda ay kala yihiin sidan:-

1-Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan Ra’isulwasaare Kuxigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda

2-C/laahi Abyan Nuur Wasiirka Wasaaradda Garsoorka,Cadaalladda,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta

3-C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi Wasiirka Gaashaandhigga

4-C/kariin Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka

5-Maxamuud Xasan Suleymaan Wasiirka Wasaaradda Maalliyadda iyo Qorsheynta

6-C/laahi Cilmooge Xirsi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

7-C/risaaq Cumar Maxamed Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Dalka

8-Muxidiin Maxamed Kaalmooy Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib U Dhiska

9-Maryan Qaasim Wasiirka Hormarinta iyo Adeegga Bulshada

10-Maxamuud Axmed Xasan Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa labaduba hadllo guubaabo ah u jeediyey Wasiirrada la magacaabay ayaga oo Allena uga baryey inuu howshooda la garab galo.

DEG DEG:-Ciidammada Ammaanka Oo Fashiliyey Qaraxyo Naftii Halignimo Ah Oo Ay Argigixisadu Kusoo Qaadeen Maqaayad Laga Cunteeyo
Ciidammada Ammaanka Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaaliyeed ayaa fashiliyey goordhow weerarro ay Maleeshiyada kooxda argigixisada ah usoo adeegsadeen qaraxyo lagusoo xeray dad naftooda haligayaal ah.

Maqaayadda ay weerarada isqarxinta ah usoo qorsheeyeen Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab ayaa ku taala isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho waxaana lagu magacaabaa Village ayadoo qaraxyada la fishiliyeyna ay ahaayeen Laba nin oo naftood haligeyaal ah.

Laba ruux oo ay ku xeranyihiin jaakado qarxa ayaa doonayey iney gudaha u galaan maqaayada si ay isugu qarxiyaan laakiin ilaalada maqaayada Village ee ku taala isgoyska Zoobe ayaa waxa ay toogasho ku dileen mid ka mid ah labada ruux ee qaraxyadu ay ku xirnaayeen kaasi oo ay Ciidammo Booliis ah oo Maqaayada ilaallo ka aheyd ay dareemeen iney walxaha qarxa ku xeran yihiin balse markii la dilay kadib waa uu qarxay.

Midkii Labaad ayaa isaguna lasoo baxay bastoolad oo isku dayey inuu Ciidammada toogto si uu maqaayada gudaheeda u galo oo uu isugu qarxiyo balse askari kale ayaa isaguna toogasho ku dilay markii lagu toogtayna waa uu qarxay.

Labada ruux ee qaraxyada iskusoo xerayba waxey ku qarxeen maqaayada banaankeeda markii la dilay kadib waxaana halkaasi ku dhintay hal ruux oo rayid ah ayadoo hal askari kalena uu dhaawac kasoo gaaray goobta.

“midka koobaad ee jaakada qaraxa watay markii uu soo istaagay waan ka shakinay markaan ka shakiney kadib oo aan dareennay waxa ka buuran waan tooganay markaan tooganay kadib wuu qarxay laakiin markuu qarxay ayaa kii kale isna bastoolad uu lasoo baxay balse saaxiibkeey oo dhanka kale iga taagnaa yaa toogtay”ayuu yiri mid ka mid ah Ciidammada Booliiska ee ilaalada ka ah maqaayada Village ee isgoyska Zoobe.

Wariyaha warbaahinta Qaranka Bashiir Khaliif Gaani oo ku sugan maqaayada ayaa soo sheegaya in qasaaraha uu ku koobanyahay oo qura labada ruux ee naftooda haligayey iyo hal ruux rayid ah waxaana maqaayada banaankeeda yaala madaxyada labada naftood halige.

Waxa uu weerarkaan ka mid noqonayaa weerarrada uu Alle ku guuleeyey iney fashiliyaan Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya kuwaasi oo ay argigixisada Al-Shabaab had iyo goor ku howlan yihiin sidii ay shacbiga Muslimiinta ah ee Soomaaliyeed u dhibaateyn lahaayeen

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Sheegay In Uu Bilaawday Dhismo Lagu Mataaneynayo Magaalooyinka Istanbuul Iyo Muqdisho
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faah faahin ka bixiyey Mashaariic dib u dhis casri ah oo lagu sameynayo waddooyinka caasimada Muqdisho, kaasi oo ay maal’galineyso dowladda aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan oo Warbaahinta Qaranka kula hadlay halka uu ka socdo dib u dhiska waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Mashruucaani uu Maal’galinayo Company laga leeyahay dalka Turkiga, isla markaana ay fulineyso shirkad Soomaaliyeed, kaasina uu yahay wajiga koobaad ee mataanneynta magaalooyinka Muqdisho iyo Istanbul.

Maxamed Yuusuf ayaa xusay in arintaani ay ka dambeysay kadib markii uu booqasho ku tagay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga Guddoomiyaha gobolka Banaadir kaas oo balan qaadyo ku aadan mataaneynta Istanbuul iyo Muqdisho ka soo helay dowladda Turkiga.

Ugu dambeyntii waxa uu ammaan ballaaran u jeediyey ciidamamda ilaalada waddooyinka ee taraafikada  isla markaana sida wacan u kala haga gaadiidka iyo dad weynaha isticmaala waddooyinka uu ka socdo dib u dhiskani xoogga leh.

Mudooyinkii ugu dambeyay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socda hormar balaaran kaas oo dib u dhisayo wadooyinka iyo goobaha kale ee ku burburay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay dalka.

Guddomiyaha Baarlamanka”Qorsha howleedka Baarlamanka 4 sano ee soo socota waa la xisaabtanka xukuumadda
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sharraxaadka ka bixiyey dejinta Istaraatiiijiyadda Barlamaanka iyo waxa uu hiigsanayo, isagoo dhinaca kalena shacbiga Soomaaliyeed ku boggaadiyey in ay ballaariyaan kalsoonida ay ku qabaan Barlamaankooda

Guddoomiyaha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” oo wareysi dhinacyo badan taabbanaya siiyey Radio Muqdisho ayaa ka warramay Istaraatiijiyadda uu ku shaqeyb doono Barlamaanka Soomaaliya iyo kulammo looga arrinsanayo, waxa uu intaa raaciyay in ay ku sii talagalayaan waxa ay hiigsan doonaan sannadaha soo socda.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in Baarlamaanka ay ka go’antahay la xisaabtanka xukuumadda iyo hey’adaha kale ee dowladda, taasina ay tahay howsha kaliya ee ay uga wakiilka yihiin shacbiga Soomaaliyeed.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari ayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ku boggaadiyay in ay sii xoojiyaan kalsoonida ay ku qabaan Barlamaankooda, isla markaana ay ka qeyb qaataan wax walba oo qaranka Soomaaliyeed horumarkiisa ah.

Waxaa si dar dar leh ku socda howl sanadeedka Baarlamaanka Soomaaliyeed, taasi ay bar bar socdaan dhismaha hey’adaha dowladda Soomaaliyeed, si loo anba qaado isbaddelka siyaasadeed ee ka hirgala Soomaaliya, waxaana la rajeynayaa in sanadaha soo socda dalkeenna lagu baahiyo horumarka laga gaaray dhinacyo badan oo uu amnigu ugu horreyso.

Kismaayo oo sanadkan si xorriyad leh looga ciidayo
Ummadda ku nool Kismaayo oo sanadkan si farxad iyo xoriyad leh u ciideeysa kadib markii laga xoreeyay cadowgii Shabaab.

Taliyaha ciidammada Jubbooyinka ee dowladda Federaalka Soomaaliya General Ismaaciil Saxardiid oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ciiddan ay wax badan uga baddellan tahay shacabka reer Kismaayo, isla markaana ay si weyn u maamuusayaan manaasibadda Ciiddul Adxa, isagoo intaa raaciyey in ciidamamda dowladda ay ilaalinayaan xorriyadda shacabka, cid walbana sida u qorsheysan ay u damaashaadi doonto.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka raxiiqay in dhawaan ay soo gabagabeyn doonaan howlgallada Jubbooyinka shacabka deegaannada ay Al-Qaacidda ku dhuumaaleysanayaan ku nool, ay heli doonaan xorriyad ballaaran.

Dhinaca kale General Ismaaciil Saxardiid ayaa xusay in dhaq dhaqaaqa gamnacsi ee magaalada Kismaayo uu caadi ku soo laabtay, iyadoo Dakedda Weyn ee magaaladaasi dib loo howlgeliyay taas oo in muddo ah ay si gaar ah u adeegsanjireen Xag-jiriinta Al-Shabaab, laakin hadda ay tahay Daked loogu adeego danaha umadda Soomaaliyeed.

Kismaayo oo kaliya ma ahan magaalooyinka nasiibka u yeeshay in ay si xorriyad leh uga damaashaadaan farxadda munaasibadda weyn ee Ciiddul Adx, waxana tirakoob laheyn magaalooyinka maanta oo kale sida weyn looga maamuusayo farxaddan ay leeyihiin shacbaka Soomaaliyeed iyo guud ahaan dadka Muslimiinta ah