0
Posted August 1, 2015 by Abdikarim in Barnaamijka Kulanka Todobaadka
 
 

Xukuumadda aya sheegtay in shirweyne Qaran looga arrin sanayo qaabka Doorashada ay u dhici doonto(Daawo)

cadaala
cadaala

cadaala

Barnaamijka kulanka  todobaadka ee ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa looga hadlay mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya iyo doorasho ka dhacda dalka sanadka 2016-ka.

Barnaamijka waxaa marti ku ahaa oo ka qeybgalay  Wasiirka dastuurka Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, iyo Prof. Yaxye Sheekh Ibraahin  oo ah Hoprmuudka Jaamacadda SIU, waxeyna si qota dheer oo faah faahsan uga hadleen hanaanka siyaasadeed ee mustaqbalka dalka iyo waxa dhici doona sanadka 2016-ka mar haddii hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda ay isla qireen ineysan dalka ka dhici Karin doorasho madaxbanaan oo qof iyo cod ah.

Mas’uuliyiinta ayaa aragtidooda la wadaagay qaar ka mid ah dhageystayaasha barnaamijka oo su’aalo soo weydiiyay intii uu socday barnaamijka.


Abdikarim