0
Posted April 6, 2015 by Abdikarim in News
 
 

“DAAWO”Wasiirka Arrimaha gudaha oo sheegay in 30-ka Maarso uu xirmi doono qabashada araajida

Waiirka amniga
Waiirka amniga

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed (Odowaa) oo shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiia ayaa kaga hadlay howlaha qorshe ee horyaalla Wasaaradda, iyadoo shirka jaraa’id ay goob joog ka ahaayeen Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha, Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Xaaji Cali Sh. Maxamed Nuur iyo xubno kale.

Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed ayaa hoosta ka xariiqay in 30-kii bishii Marso la soo gabo gabeeyay qabashada araajidka dadka doonaya inay qeyb ka nodnaan Guddiyada Xuduudaha iyo kan doorashooyinka, ayna isu soo sharxeen guud ahaan 356 qof oo 27 ka mid ah ay warqadahooda qaldameen, isla markaana ay Wasaaraddu magacawday 7 xubnood oo kala saaraya dadka araajida u soo qortay inay ka mid noqdaan labadan guddi.

“Guddiga Doorashooyinka waxaa araajidooda inay xubin ka noqdaan u soo gudbiyay 271 qof, halka guddiga xuduudaha ay u soo gudbiyeen 85 qof, kuwaasi oo 40 ka mid ah ay yihiin haween, waxayna wadarta guud noqoneysaa 356, waxaa warqadahooda ka qaldamay 27 qof, oo 19 ka mid ah ay noqdeen dad da’yar, halka sideedda kale ay ka qaldameen xagga sawirada iyo Cv-ga, waxaana loo baahanyahay oo kaliya 18 qof oo labada guddi ah”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha gudaha.

Wasiirku waxa uu xusay in sanadka 2016-ka ay doorasho ka dhici doonto dalka oo dhan, Wasaaradduna ay ku howlantahay dhameystirka maamul goboleedyada dalka kuwa hadda dhisan iyo kuwa kale ee la dhisayo.

“Wasaaraddu waxa ay ku mashquulsantahay sameynta iyo dhameystirka maamul goboleedyada dalka, si Jubbaland, Koonfurgalbeed oo meel fiican maraya dhameystirkooda, iyo dhismaha Maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galduud, Shabeelaha dhexe iyo Hiiraan” ayuu markale Wasiirku hadalkiisa ku daray.

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed (Odowaa) oo ka hadlayay xaaladda Soomaalida ku xaniban dalka Yemen, ayaa sheegay inay jiraan muwaadiniin soo gaaray magaalooyinka Ber Bera iyo Boosaaso ee Maamulada Sonmaliland iyo Puntland, isagoo ku baaqay in hay’adaha samafalka ay gacan ku siiyaan Maamuladaasi sidii dib u dajin loogu sameyn lahaa dadka ka soo cararay rabshadaha Yemen.


Abdikarim