0
Posted April 5, 2015 by Abdikarim in News
 
 

“DAAWO”Wasiir Maareeye: “Waxaan shahaadooyin guddoonsiinay dad aan u aragnay inay wax u qabteen bulshada

shahaado sharaf
shahaado sharaf

Munaasabad lagu xusayay dib u howlgelinta Warbaahinta Qaranka, isla markana dib loogu furayay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo shahaadooyin lagu abaalmariyay dad ay madaxda Wasaaraddu u arkeen inay howlkarnimo muujiyeen, isla markaana bulshadooda wax u qabtay.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in dadka shahaado sharafta la guddoonsiiyay ay yihiin dad ay Wasaaraddu u garatay inay howlo u qabteen bulshada, isagoo xusay in qofkasta ay shahaadadiisa ku qorantahay waxa uu ku muteystay in shahaadada la guddoonsiiyo.

“20 iyo dhowr sano ayaan ku soo jirnay dhibaatooyin badan, dad badan ayaa dadaalay, marka waxaan caawa halkaan shahaado sharaf guddoonsiineynaa sideed halgamayaal aan u aragnay inay wax wanaagsan sameeyeen, waxaan kaloo u aragnay in tani ay tahay bilow fiican, qofkasta waxaan u sameynay shahaado calanka Soomaaliya ku wareegsanyahay, waxaana ku qornay magacyadooda iyo waxa ay qabteen” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Agaasimaha Warbaahinta Qaranka Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-cadaalla oo ka hadlay munaasabadda lagu xusayay dib u howlgelinta Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dadka shahaadada sharafta lagu abaalmariyay ay yihiin dad u adeegay bulshadooda, oo u qabtay wax wanaagsan.


Abdikarim