0
Posted April 6, 2015 by Abdikarim in Special Programs
 
 

DAAWO”Munaasabada 4 sano guurada ka soo wareegatay markii dib loo howlgaliyay TV ga Qaranka Soomaaliyeed Qeybta 2aad

Munaasabada
Munaasabada

Munaasabada oo si heerkeedu sareeyo loo soo agaasimay isla markaana loogu dabaal dagayay 4 sano guurada ka soo wareegatay markii dib loo howlgaliyay TV ga Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa xalay lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska waxaana ka qayb galay Xaflada Wasiiro Xildhibaano Culimo.udiin Haweenka Qaranka shaqaalaha wasaarada warfaafinta iyo marti sharaf kale .

Munaasbada ayaa waxaa intii ay socotay ay hobolada Qaranka waabari ay ku soo bandhigeen heeso iyo majaajilo ay ka qayb qaadanayeen farxada xuska dib u howl galinta TV Ga Qaranka sidoo kale qaar ka mid ah howlwadeenada TVga ayaa waxaa ay iyana soo bandhigeeen riwaayad qiimo badan oo ay ku muujinayeen halgankii loo soo maray in warbaahinta qaranka la soo gaarsiiyo heerka ay maanta joogto iyo sida ay uga faa,iideesteeen bulshada Soomaaliyeed.

Mas,uuliyiin kala duwan ayaa ka hadlay Xaflada waxaana ay ka sinaayeen in TVga Qaranka iyo Radio Muqdisho ay qaateeen door lama ilaabaan ah bulshada Soomaaliyeed dalka iyo dibadana ay u horseedeen in ay ku dhiiradaan dib u dhiska Qaranka Soomaaliyeed.


Abdikarim