0
Posted April 15, 2015 by Abdikarim in News
 
 

“DAAWO”Kulan dhibaatada Qaadka looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay

QAAD DIID
QAAD DIID

Kulankan looga hadlayay sidii meel looga soo wada jeesana lahaa dhibaatada Qaadku u leeyahay Bulshada Soomaaliyeed isla markaana loo qaadi lahaa olole dalka looga joojinayo ayaa waxaa maanta lagu qabtay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho waxaana ka qayb galay xubno ka tirsan golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya maamulka gobolka Banaadir,Culumaa’udiin, Ururada bulshada rayidka ah ardayda Jamaacadaha,Ururarada Haweenka iyo dad kale.

Kulankani dhanka kale waxaa lagu soo dhaweynayay Abuukar Cawaale Qaad-diid oo muwaadin Soomaali ah oo u ololeeya sidii bulshada looga wacyi galin lahaa dhibaatada Qaadka ,Wasiirada ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ka Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux) Wasiir ku xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha diinta Macalin Cali Aadan Cadaw,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cusmaan Maxamed Cabdi (Daalo).


Abdikarim