0
Posted April 6, 2015 by Abdikarim in News
 
 

“DAAWO”Ex-Xildhibaan Baantuu oo Muqdisho lagu aasay

Aaska xildhibaan
Aaska xildhibaan

Aaska ala ha u naxariistee Xuseen Maxamed Muuse {Baantuu} ayaa waxaa uu ka dhacay Qabuuro ku dhex yaala Isbitaalka Madiina Ee magaalada Muqdisho waxaana ka qayb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Soomaaliya,qaar kamid ah odayaasha dhaqanka,dhalinyaro iyo saraakiisha Ciidanka amaanka .

Mas’uuliyiinta ka qayb gashay ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Mudane Maxamed Cumar Ceymooy Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Cabdulahai Colaad Rooble iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya Marxuumka ayaana salaada janaasada lagula tukaday Gudaha isbitaalka.

Qaar ka mid ah Odayaahsa dhaqanka ee ka qayb galay Aaska Ex Xildhibaan Baantuu iyo Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa tacsi u diray Ehelada uu ka baxay Marxuumka iyo Guud ahaan Umada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Ceymooy ayaa dhankiisa uga tacsiyeeyay Bulshada Soomaaliyeed Geerida ku timid Xildhibaanka waxaana uu alaah uga baryay in uu naxariistiisa siiyo.

Ex Xildhibaan Xuseen Maxamed Muuse {Baantuu} ayaa shalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in uu dhawaanahaanba xanuunsanayay Marxuumku.


Abdikarim