0
Posted April 15, 2015 by Abdikarim in News
 
 

“DAAWO” Kulan looga hadlayay dardargelinta shuruucda dalka oo Muqdisho lagu qabtay

kulan barlamanka
kulan barlamanka

Kulankan ay isugu yimaadeen guddoonka Barlamaanka, iyo labada guddi ee golaha Wasiirrada iyo Barlamaanka u qaabilsan dardargelinta sharuucda dalka ayaa lagu qabtay xafiiska guddoonka Barlamaanka waxaa shir guddoominayey Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” kulanka ayaana lagu soo bandhigay qorshaha kalfahdiga 6-aad ee Barlamaanka Soomaaliya iyo muhiimadda sharuucda la dejinayo u leedahay hay’adaha ka shaqeyn lahaa arrimahaasi iyo sidii loo dhisi lahaa.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa guddoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa sharaxaad dheerka bixiyey dhammaan qorshaha ahmiyadda ay leedahay diyaarinta sharuucda iyo hay’adaha ku shaqada leh, dib u eegista Destuurka KMG ah Federaalleynta iyo Dimoqoraadiyeenta dalka dhismaha maamullada loo gudbinayo dowlad gobolleedyada Soomaaliya u baahan tahay iyo sharuucda Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

Kulanka howleedkan u dhaxeeyey guddoonka Barlamanaka iyo labada guddi ee Barlamaamka iyo golaha wasiirrada u qaabilsan dardargelinta sharuucda dalka kaddib ayaa Guddoomiyaha Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari” ayaa warbaahinta Qaranka faah-faahin naga siiyey natiijada guud ee kulanka, isagoo sharraxa.

Mudane Maxamed Sheekh Cismaan “Jawaari”a ayaa sido kale sheegay in arrin cusub ay tahay nidaamka guddiga labada golle ee sharuucda dalka u qaabilsan, si loo kala caddeeyo Soomaaliya ay halka u socoto, shacbigana ay aragti mideysan uga lahaadaan dowladnimada Soomaaliya.

Kulan ayaa muhiim u ah in faham guud ay Xukuumaddu ka heshyo howlaha Barlamaanka Soomaaliya ee Kalfahdiga 6-aad ilaa laga gaaro dhammaanka xiritaanka madasha Barlamaanka 9 ee Soomaaliya, taasi oo fududeyneysa in dalka loo diyaariyo sharuucdii uu ku dhaqmi lahaa.


Abdikarim