Posted October 23, 2012 by in News
 
 

Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka “Geesiyaasha Radio Muqdisho Waan U Hambalyeeynayaa”

Diini
Diini

Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa ugu hambalyeeyey wariyeyaasha RadioMuqdisho sanad guuradii Seddexaad ee kasoo wareegatay markii dib loo howlgeliyey Radio Muqdisho.

Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini oo la hadlayey Warbaahinta Qaranka ayaa yiri “Geesiyaasha Radio Muqdisho waan ugu hambalyeeynayaa sanad guuradii Seddexaad ee kasoo wareegatay dib u howlgelinta Idaacadda,mudadii ay jireenna wax badan ayey qabteen”

Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa intaasi ku daray in wariyeyaasha ka howlgalla Radio Muqdisho ay kaalin muhiim ah ku lahaayeen howlgalka dalka looga xoreeyey intiisa badan Maleeshiyada Al-Qaeda.

Ugu dambeyn taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini waxa uu Alle uga baryey wariyeyaasha Radio Muqdisho in sanadkaan sanadkiisa kale uu nabad ku gaarsiiyo.