Posted October 25, 2012 by in News
 
 

Malaayiin Muslimiin Ah Oo Maanta Taagan Banka Carafo

Xujeyda
Xujeyda

Malaayin Muslimiin ah ayaa maanta taagan Banka Carafo, iyagoo gudanaya mid ka mid ah acmaasha ugu muhiimsan gudashada Xajka.

Xaaji C/raxiim Ciise Caddow Agaasimaha Radio Muqdisho oo ka mid ah xujeyda Sanadkan ayaa Radio Muqdisho u sheegay in xujeydu ay xalay ku baryeen Mina, maantana ay taaganyihiin Bannaanka Carrafo taas oo ah mid ka mid ah acmaasha ugu muhiimsan Xajka.

Agaasimaha Radio Muqdisho Xaaji C/raxiim ayaa tilmaamay in dowladda Sacuudigu ay muujisay dadaal dheeraad ah, iyadoo dhameystirtay dhamaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa xujeyda.

Iyadoo maanta ay tahay Sagaalaadka oo ay Xujeydu taaagaanyihiin Carrafa kuna duceysanayaan ayaa haddana waxaa sanadkan xajka gudanaya Soomaali farbadan kuwaas oo ka kala baxay gudaha dalka iyo dibaddiisaba.