Posted October 26, 2012 by in News
 
 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Oo Shacabka Ugu Hambalyeeyey Munaasabadda Ciidul Adxa

madaxweyne-xasan-sh-maxamuud-kambala
madaxweyne-xasan-sh-maxamuud-kambala

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacbiga Soomaaliyeed iyo guud ahaanba umadda Muslimiinta ah ee caalamka ku nool ugu hambalyeeyey Munaasabadda Ciidul Adxa oo guud ahaan caalamka looga dabaal degayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dalka oo shacbiga Soomaaliyeed u mariyey fariin uu ugu talagalay Munaasabadda Ciida Warbaahinta Qaranka ayaa yiri “ dhamaan dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka kaga nool yihiin waxaan leeyahay CIID WANAAGSAN CIID MUBAARAK waxaana Alle ka rjeynayaa inuu Umadda Soomaaliyeed uu sanadkaan sanadkiisa ku gaaro nabad”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa umadda Soomaaliyeed ka codsaday iney fadliga Ciidul Adxa ay isku cafiyaan oo ay usoo jeestaan aayaha Dalkooda si hormar loo gaarana ay tahay lagama maarmaan in Umaddu is cafiso.

Madaxweynaha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay hada heystaan fursad qaali ah taasina loo baahanyahay in laga wada faa’ideysto wadada looga faa’ideysan karana ay tahay isku duubni.

Madaxweynaha ayaa fariin gaar ah waxa uu u diray waalidiinta Soomaaliyeed oo uu ka codsaday iney carruurtooda la qalday u caqli celiyaan oo ay kusoo daraan safka Dowladnimada si ay uga qeyb noqdaan hormarka Dalkooda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxa uu fariin u diray kuwa weli ku harsan Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab oo uu ugu baaqay iney dadkooda dhinac ka raacaan.