0
Posted October 25, 2012 by in News
 
 

Hay’adda Nabad Sugida Qaranka Oo Bandhigtay Maleeshiyaad Ka Soo Goostay Kooxda Shabaab “Sawirro+Dhageyso”

Taliye
Taliye

Hay’adda nabad sugida Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta soo bandhigtay in ka badan 20 maleeshiyaad kuwaas oo horay uga tirsanaa kooxda awoodooda la wiiqay ee Shabaab.

Xarunta Hay’adda nabad sugida Qaranka ayaa maanta lagu soo bandhigay maleeshiyo iyo horjoogeyaal ka tirsanaa kooxda shabaab kuwaas oo dhowaan isu soo dhiibay ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Taliyaha ha’adda nabad sugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Erag oo saxaafadda kula hadlay xarunta Nabad sugida ayaa waxa uu sheegay in dhalinyarada isa soo dhiibtay ay yihiin kuwa la qaday balse maanta ay garteen in ay qarankooda u shaqeeyaan ayna ka go’antahay.

Khaliif Axmed Erag ayaa intaa ku daray in shaqsi waliba oo ka mid ah dhalinyaradii isa soo dhiibtay ay u sameyeen tababaro ku aadan xirfadooda iyo waliba waxa uu yaqaano.

C/risaaq Maxamed Baroow waxa uu ka mid yahay dhalinyaradii ay maanta soo bandhigtay dowladda waxa uuna sheegay in kooxda shabaab uu u qaabilsanaa wacyigelinta balse haatan uu ogaaday in ay kooxda shabaab ay caqabad ku yihiin jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay dhaqan celin iyo waxbarsho u sameyso maleeshiyaadka ka soo goosta kooxda shabaab waxaana mas’uuliyiinta dowladda ay balan qadeen in shaqsi waliba oo ka soo goosta shabaab ay si xur ah ugu noolaad dalka halka kooxda shabaab maleeshiyaadka ka tirsan ay ku dhuumaleystaan dhulka Kenyna ah maadama laga saaray inta badan gobolada dalka.

Dhageyso Codka Taliyaha Nabad Sugida Gobolka Banaadir

Dhageyso Codka Dhalinyarada Isasoo Dhiibtay