Posted October 26, 2012 by in News
 
 

Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Shacabka Ugu Hambalyeeyey Munaasabadda Ciidul

Barlaman1
Barlaman1

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Munaasabadda Ciidul Adxa oo guud ahaanba muslimiinta caalamku ay u dabaal degayaan.

Gudoomiye Jawaari oo la hadlayey Warbaahinta Qaranka ayaa yiri “CIID WANAAGSAN KULU CAAMIN WA ANTUM BIKHEYR, marka ugu horeysa waan ugu hambalyeeynayaa shacbiga Soomaaliyeed guud ahaanba Munaasabaddan qiimaha weyn ku leh guud ahaan umadda muslimka ee Ciidul Adxa”

Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa xusay in sanadkaan ay Shacbiga Soomaaliyeed ku ciidayaan si ka duwan sidii ay ku ciidi jireen ciidihii aynu kasoo gudubnay maadaama uu dalku yeeshay Dowlad aan KMG aheyn islamarkaana ay Umaddu u wada taagantahay iney ka faa’ideystaan fursadda Dowladnimo ee ay heystaan.

Gudoomiye Jawaari ayaa si wadajir ah uga codsaday shacbiga Soomaaliyeed guud ahaanba iney Alle u sujuudaan oo ay ka baryaan in dalkooda dhibaatada uu madada dheer kusoo jirey uu ka saaro.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa u rajeeyey shacbiga Soomaaliyeed iney farxad ku wada ciidaan isagoo Allena uga baryey in sanadkaan sanadkiisa kale uu ku gaarsiiyo farxad iyo baraare.